Su’aal: Haduu qofku soomanyahay oo uu dakhramo kadibna dhiig ka yimaado soonku miyuu jabayaa? Jawaab: Wax dhib ah malaha Dhiiga ku yimaada nabar ama dakhar yar oo soo gaadhay qofka sooman, marka laga reebo Istoobista. Wuxuu dhahay Shiikh ibnu baaz (A.H.U): لا يضره نزول الدم، إلا الحجامة إذا احتجم فالصحيح أنه يفطر بالحجامة وفيها خلاف بين... Continue Reading →
Anigoo soman ma qubaysan kara ama ma dabalan karaa?
Ta koowaad: Dabaasha waxaan u kala qaadaynaa laba qeybood; qeyb waxa weeye hadii aad dabaalanayso oo aan biyuhu gaadhaynin calooshaada ama aanad biyo liqaynin oo aad garanayso dabaasha, wax dhib ah malaha inaad dabaalato waxyna qaadanaysaa xukunka qubeyska ee bisha Ramadaan. Ruuxa soomanina inuu qubaysto wax dhib ah malaha, waxayna culumadu u daliishadaa xadiiska uu warinayo Bukhaari (1825 )... Continue Reading →
Waa kuwama Maxramka Xididka ku yimaada? Dumaashigu ma maxrambaa?
Waxa jira dumar maxram ah oo diinta Islaamku xarrintay inuu ninku guursan karo, waana laba nooc: Maxramka nasab ku yimaadaa sida hooyada, ayeeyada, eedada, habaryarta, walaasha, hablah ninku uu dhalay iyo Maxram ku yimaadaa xididnimo oo kala ah: Xaaska aabaha (aayada); ninka waa ka xaaraan inuu guursado gabadha uu aabihii guursaday, waxayna bilaabmaysa isla markuu... Continue Reading →
Ducada Walidka logu duceyo
Ilaahay (swt) ayaa u dardaarmay insaanka inay waalidkood kula dhaqmaan wanaag iyo khayr, xitaa hadii ay yihiin waalid gaal ah, sababtoo ah waalidka xuquuqdiisu aadbay u wayntahay, lamana soo gudi karo. Xuquuqda waalidku leeyahay waxa kamid ah in loo duceeyo noloshooda iyo dhimashadoodaba. وَاخْفِضْ لَهُمَا جَنَاحَ الذُّلِّ مِنَ الرَّحْمَةِ وَقُل رَّبِّ ارْحَمْهُمَا كَمَا رَبَّيَانِي صَغِيرًا ﴿٢٤﴾... Continue Reading →
Sideen usoo gudnaa salaadihii inaga tagay?
Salaadu waa udub dhexaadka diinta Islaamka, waxaanu Ilaahay faray dadka Muslimiinta ah inay tukadaan salaadaha waqtigii loogu talo galay. Dadka salaadu ay ka tagtay waa laba nooc , mid waxay salaadu uga tagtay isagoo haysta cudurdaar kana kalena waxay uga tagtay si badheedha oo kas ah: Taas macnaheedu maaha inuu qofku iska seexdo oo uu... Continue Reading →
Kafaaro gudka Xanta iyo sida looga toobad keeno
Halista Xanta Xantu waa inaad walaalkaa ka sheegto wax uu necebyahay, waxayna bulshada ku keentaa dhibaatooyin waaweyn oo la taabankaro. Waxaad qiyaastaa xantu imisa guri oo Muslima ayey burburisay, imisa dagaal ayey sababtay, imisa nooc oo dulmi ah ayey aabo u tahay. Dabcan waxa dhib dhex taala bani aadamku waxay ka bilaabantaa afka, kadibna waxay... Continue Reading →
Mala dhaqan karaa Bisadaha iyo EEyda?
Bisadaha: Bisadaha dhib malaha in la dhaqdo hadii aanay cid kale lahayn, isla markaana ay caafimaad qabaan oo aan looga cabsanayn inay cuduro sii gudbiyaan. Sidoo kale waa in qofka dhaqanaya bisaduhu siiyaa cuntadoodii iyo cabitaankoodii, hadii aanu awoodin waa inuu faraha ka qaado oo aanu xabisin, si ay dhulka Ilaahay uga raadsato irsaaqadeeda. Waxa... Continue Reading →
Shan Ka Faa’ideyso Inteysan Shan Kugu Imaan
Walaalkayga muslinka ahow waxaan ognahay inaynu muslim ahayn mudo ka badan 14 qarni, oo aynu suubanaha Rasuulkeeniiﷺ ka dhaxalnay kitaabka (Quraanka Kariimka) ah oo kalaamkii Ilaahay iyo sunnaha Rasuul keennii Nabi Muxammadﷺ, sida ku cad axaadiista Rasuulkaﷺ ee inoo dardaarmay, asaga oo leh… ‘’Waxaan idiinka tagay labada aamusan ee raaca kuwaasoo ah Kitaabka Quraanka ah iyo... Continue Reading →
Qaangaarka haweenka iyo Xijaabka
Wiilka iyo gabadhuba waxay ku qaangaadhaan markay arkaan calaamadahan mid kamida: Inay gaadhaan da’da shan iyo toban sanadood. Inay arkaan biyo “Manida” soo jeed ama hurdo kuu doonaba ha ahaadee. Hadii ay soo baxaan timaha adag ee kasoo baxa inta u dhaxaysa cawrada iyo xudunta. Gabadhuna waxay intaas dheertahay laba calaamadood oo kale waana: Inay... Continue Reading →
Dheelminta iyo Qaadidda Nabiga SCW
Dheelminta iyo Qaadidda Nabiga Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee Dheelminta nabiga waxaa caddeeyay Quraanka iyo xaddiiska saxiixa ah kolka waxaa waajib ah in la rumeeyo in Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee Eebbe dheelmay habeennimo asiga oo Maka ka baxay oo masjidka al-Aqsaa u baxay. Hase ahaatee, fuullinta (Micraajka) wuxuu ku caddyahay xaddiiska,... Continue Reading →
In laga nazaho Eebbe meesha Iyo caqli ahaan sixidda jiritaankiisa meel la’aan
In laga nazaho Eebbe meesha Iyo caqli ahaan sixidda jiritaankiisa meel la'aan Eebbana kor ahaaye wuu ka deeqtoonyahay caalamiinta, macnaha wuu ka kaaftoonyahay wax kasta oo asiga ka soo hara waligeed iyo abadkeed, kolka uma baahna meel uu dego ama wax uu ku dego ama jiho. Waxaana ku filan ka nasahidda Eebbe laga nasahayo meesha... Continue Reading →
Soojireennimada Eebbe waqti ma aha
Soojireennimada Eebbe waqti ma aha Eebbe kor ahaayee, wuxuu jiray waqtiga iyo meesha ka hor, iyo gudcurka iyo ilayska ka hor, kolka asigu kor ahaayee ka mid ma aha caalamka cufan sida dhulka iyo dhagaxa iyo xiddigaha iyo dhirta iyo dadka, mana aha caalamka fudud sida ilayska iyo ruuxa iyo hawada iyo jinniga iyo malaa'ikta... Continue Reading →
Xukunka qofki Islamka sheganaya magac ahan burrinaya macne ahan
Waxaa jira kooxo badan oo beenshay Islaamka macne ahaan inkasta oo ay Islaamka sheeganayaan ayaga oo ku dhawaaqaya labada ashahaatin, ashadu an-laa-ilaha illa laahu, wa ash-haddu anna muxamaddun rasuulu laahi, oo tukanaya oo soomaya, maxaa yeelay waxay burriyeen labada ashahaatin ayaga oo rumaysatay wax ka soo horjeeda kolkaa way ka baxeen towxiidka ayaga oo Eebbe... Continue Reading →
Gaaleysiinta muslimiinta Nabigooda ku amaana burdaha .
Beytka eey wahaabiyada ku gaaleeysiiyaan muslimiinta Nabigooda ku ammaana burdaha waa beytakaan ....iyagoon fahmin macnaha beytkaan. Micnuhu wa sidaan ee nala arka ..... يا اكرم الخلق مالي من ألوذ به ##### سواك عند الحلول حادث العمم Beydkaas waa qeybtii saa hore ..يا اكرم الخلق مالي من ألوذ سواك. به waana Sidan "Kii ugu karaama Iyo... Continue Reading →
Faa,iidada Salaada Subax Oo Masaajidka Lagu Tukado
1-Qofka Salaada Subax Jamaaco Ku Tukada Waxaa Loo Qori Ajirka Qof Habeenkii Oo Dhan Cibaado U Taagnaa. 2-Qofka Salaada Subax Jamaaco Ku Tukada Wuxuu Ku Jiraa Dimada iyo Damaanada Alaah. 3-Qofka Salaada Subax Jamaaco Ku Tukada Waxaa ilaalin Malaa,igta Alaah. 4-Qofka Salaada Subax Jamaaco Ku Tukada Malaa,igtu Waxay Alaah U Gudbin Warbixin Fiican . 5-Qofka... Continue Reading →
Salafiyada maanta Iyo salafka Nabiga inoo tilmaamay farqigee u dhaxeeya ?
Waxaa soo ifbaxay kooxo sheeganaya salafiya oo dhabtu caqiidadadoodu tahay tan wahaabiyada ee Mohamed Cabdi wahaab Keenay iyadoo markaas doonaya ineey daboolaaan caqiidadadooduiyo magacooda wahaabiyada deeto la baxay SALAFIYA iyagoo iska dhigaya ineey ku taagan yihiin wadadii salafka oo eey Diinta u yihiin difaaca yaal Laakiin dhabtu saa ka fog . Nabiga caleyhi salaatu wasalaam... Continue Reading →
Maxaad ka taqaanaa Saxaabigii Shinnidu Difaacday?
Saxaabiga Caasim ibnu Thaabit oo ahaa nin reer ansaareed ah, wuxuu ka qaybgalay dagaalkii Badar iyo Uxudba. Dagaalkii Uxud wuxuu ku dilay laba wiil oo walaalo ahaa oo uu dhalay ninka la dhaho Dalxa ibnu Dalxa. Labada wiil hooyadeed oo ahayd reer Makkah ayaa nadar ku gashay inay u aargudo wiilasheeda, waxayna ku nadartay in... Continue Reading →
Ilahay swt miyuu samada kowaad usoo dagaa mise raxmadiisa ayaa soo dagta?
Magaca alle ayaan ku bilaweyna nabad gelyo iyo naxariis allaha yeelo xabibkena muxamed scw intaa kadib . Xadithka oranaya "ilahay swt waxuu usoo daga samada kowad(raxmadisa ayaa soo dageysa ) markas buu dhahaya war yaa wax i weydisanaya ee aan siya oo yaa i baryaya ee aan ajiiba " Xadithka waa mid saxiixa ah sugnashinhisana... Continue Reading →
Xukunka Sekada
Xukunka Sekada Ma bannaana in sekada la siiyo cid aan ahayn siddeedda qolo ee Quraanku sheegay oo ah: (Saddaqada "Sekada" waxaa uun mudan fuqarada, masaakiinta, kuwa sekada ka shaqeeya, kuwa la soodhawayn laabtooda, kuwa addoonsiga ku jira, kuwa qaamaysan, kuwa jihaadaya, iyo midka socdaalka ah, waana faral Eebbe yeelay, Eebbe ayaana ah cilmi badane xigmad... Continue Reading →
suldaan Mohamed al-faatix )amiirkii furtay istanbuul ama islambool
Waa suldaan Mohamed al-faatix Ibn muraad Waa ninkii furtay magaalada qusdhan-dhiiniyya ee kadib loo baxshay islam buul Haddana loo yaqaan Istanbul ee caasimaddi hore ee turkiga . Waxa uu dhashay 835 tii hijriyada ...waxaana uu ahaa suldaan kii dhidibada u taagay dowlad islaam oo mid ah tasoo calamaka ka talineeysay in ka badan 600 sano... Continue Reading →