Xukunka xoolaha lagu qalo Yurub iyo Maraykanka:

Xoolaha lagu qalo Yurub iyo Maraykanka ama guud ahaan reer galbeedku waxay qaadanayaan xukunka Ehlu kitaabka. Ehlu Kitaabkuna waa Yahuuda iyo Nasaarada waana la baneeyey in la cuno xoolaha ay qalaan iyo cuntooyinkoodaba.

Balse xoolaha ay qalaan mushrikiinta iyo kuwa sanamyada caabuda ama kuwa aan Ilaahay jiritaankiisa rumaysnayn ma banaana in la cuno, waana xaaraan xoolaha ay qalaan sida xoolaha ay qalaan mushrikiinta Shiinaha, Kuuriyooyinka iwm.

Xoolaha Ehlu kitaabku inay xalaal yihiina waxa u daliila, aayad quraana, xadiis nabi iyo ijmaaca ummada islaaka ah.

الْيَوْمَ أُحِلَّ لَكُمُ الطَّيِّبَاتُ ۖ وَطَعَامُ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ حِلٌّ لَّكُمْ وَطَعَامُكُمْ حِلٌّ لَّهُمْ ۖ

Maanta waxa la idiin xalaaleeyey cuntooyinka wanaagsan, iyo cuntooyinka kuwa hadda kahor la siiyey kitaabka waa idiin xalaal cuntadiinuna waa u xalaal ayaga.[1]

Cuntooyinka ehelul kitaabka waxa Ibnu Cabbaas Ilaahay raali haka ahaadee ku fasiray: “Waxa looga jeedaa waxay gawracaan”[2]

Sidoo kale rasuulkii Ilaahay (scw) wuu cuni jiray cuntooyinka ehelu kitaabka, waxaana ugu xoogan xadiiskii ka warramay laxdii la sumeeyey ee la siiyey rasuulkii Ilaahay iyo saxaabadiisii.

عن أنس بن مالك رضي الله عنه أن يهودية أتت النبي صلى الله عليه وسلم بشاة مسمومة فأكل منها فجيء بها فقيل ألا نقتلها قال لا فما زلت أعرفها في لهوات رسول الله صلى الله عليه وسلم

Anas binu Maalik Ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey in gabadh yahuudiyad ah ay u keentay nabiga (scw) lax sumaysan waanu cunay, waana loo keenay (gabadhii) waxaana lagu yiri: ma dilnaa? Wuxuu yiri: Maya. Igamanay suulin inaan ku garto hilib dalqaha rasuulkii Ilaahay (scw)[3]

Xadiiskan meesha aynu ka daliishanaynaa waxay tahay in nabigii Ilaahay iyo saxaabadiisuba ay cuneen hilibkii yahuudiyadu usoo hadyadaysay, lamana waydiin in sifo shareecada waafaqsan loo qalay ama inay ka reebeen wixii ayaga laga xarrimay sida baruurta.

Waana arrin ijmaac ku yimid (lagu kulmay)[4] in xoolaha yahuuda iyo nasaaradu ay qalaan ay xalaal u yihiin muslimiinta.

Haddaba inagoo ka duulayna daliiladan isugu jira aayad quraana, xadiis nabi iyo ijmaaca ummada islaamka, waxaan leenahay: xoolaha lagu qalo yurub iyo maraykan ee ay qalaan ehlu kitaabku waa u xalaal muslimiinta wayna cuni karaan.

Dadka Yurub ama Maraykan joogaa ma ehelu kitaabaa?

Dadka reer Yurubka ah ama Maraykanku waxay kamid yihiin ehlu kitaab xitaa hadii ay ku badantahay mulxidnimadu.

Waxa sheekh ibnu Cuthaymiin Ilaahay ha u naxariistee uu yiri:

”Ehlu kitab miyay yihiin iminka (Maraykanku), haa, ayagu waa ehlu kitaab, wax shaki ahna kuma jiro arrintaas, xitaa hadii ay ka gaaloobaan diintooda, waxaana u daliila aayada ku jirta suuratu Al-maa’idah ee Ilaahay ku leeyahay: (way gaaloobeen kuwa yiri Ilaahay ka sadexeeya sadexda) isla suuradaas ayuu ku baneeyey cuntooyinkooda, sidaa darteed waxaan u aragnaa in la cuno waxay qalaan yahuuda iyo nasaaradu ee dalkaas iyo kuwa lamidka ah way banaantahay, umana baahnin inaan ayaga waydiino maxaa yeelay asalku waa xalaal”[5]

Kawarran hadii aanay bisinka u qaban ama aanay u qalin sifo shareecada waafaqsan?

Aayad Quraana ayaa Ilaahay inagu faray inaynaan cunin xoolaha aan bisinka lagu qabanin;

وَلَا تَأْكُلُوا مِمَّا لَمْ يُذْكَرِ اسْمُ اللَّـهِ عَلَيْهِ وَإِنَّهُ لَفِسْقٌ

”Ha cunina waxa aan lagu xusin magaca Ilaahay waana faasiqnimo”[6]

Aayadan sharafta leh waxay inaga reebaysaa inaan la cunin wax kasta oo aan bisinka loo qabinin, sida xoolaha loo gawraco sanamyada ama bakhtiga ama xoolaha meel buura kasoo dhacay ee sidaas ku dhintay iyo wixii lamida.

Xoolaha muslimiintu ay qasho waa xalaal, lamana waydiiyo inay bisinka u qabteen iyo in kale sidaasoo kale xoolaha ay ehlu kitaabku gawracaan waa xalaal, lamana waydiinayo inay bisinka u qabteen ama sifo shareecada waafaqsan ay ku qaleen. Sababtoo ah asalka xoolaha ehlu kitaabku waa xaaraan, Ilaahayna wuu ogaa inay gaalo yihiin oo isla suurada lagu baneeyey in xoolahoodu xalaal yihiin ayaa cadaysay inay gaalana yihiin.

Sheekh binu Cuthaymiin wuxuu yiri:

”Sidaasoo kale qaabka ay wax u qalaan in la waydiiyo korkeena ma saarna, inoomana haboona inaan waydiino qaabkii ay u gawraceen, ee waan cunaynaa wax kalena ma galayno”[7]

Sababta ay culamada islaamku u leeyihiin lama waydiinayo qaabka ay u qaleen iyo inay bisinka u qabteen waxa weeye: waxay ka duulayaan markuu nabigii Ilaahay la siiyey laxdii sumaysnayd muu waydiinin qaabka ay u gawraceen iyo inay bisinka u qabteen.

Fiiro gaara:

Hadii aad adigu aragto ayadoo magac shaydaan lagu gawracayo ama neefkii xabad lagu dhufanayo, ma cunaysid hilibkaas, sababtoo ah goob joog ayaad u ahayd inaan bisinka lagu qabanin. Balse hadii aanad goob joog u ahayn, waa xalaal hilibkaasi, bisinkana adigaa u qabsanaya markaad cunayso.

Cuntooyinka caruurta lagu siiyo Iskuulada ma xalaalbaa?

Cuntooyinka hilibku ku jiro ee la siiyo caruurta dhigata dugsiyada dalalka reer galbeedku waa laba mid un: inay yihiin hilib asalkiisu xaaraan yahay sida doofaarka iyo hilibka asalkiisu xalaalyahay sida adhiga, digaaga iyo lo’da.

Hadii hilibkaasi doofaar yahay waa xaaraan xataa hadii bisinka loo qabto oo nin muslima gawraco, sinama xalaal kuma noqdo doofaarku marka laga reebo xaalada qofku ku qasbanaado ee naftiis kaga badbaadinayo dhimasho.

Hilibka kale sida digaaga, lo’da iyo adhiga ee caruurta lagu siiyo dugsiyada dalalka reer galbeedku waa xalaal, sababtoo ah xukunkoodu waa xukunka ehlu kitaabka, wayna cuni karaan hilibkaas, mana waydiinayaan in bisinka loo qabtay iyo in qaab shareecada waafaqsan loo qalay.

Malaga ganacsan karaa xoolaha ay qalaan ehlu kitaabku?

Xoolaha ay qalaan ehlu kitaabku si guud waa u xalaal, hadiiba ay xalaalyihiina waa laga ganacsan karaa, waana loo soo dhoofin karaa wadama islaamka.

Waxa Sheekh ibnu Baaz Ilaahay ha unaxariistee uu yiri:

فاللحوم التي تباع في أسواق الدول غير الإسلامية: إن عُلم أنها من ذبائح أهل الكتاب، فهي حل للمسلمين، إذا لم يعلم أنها ذبحت على غير الوجه الشرعي؛ إذ الأصل حلها بالنص القرآني، فلا يعدل عن ذلك إلا بأمر متحقق يقتضي تحريمها.
أما إن كانت اللحوم من ذبائح بقية الكفار، فهي حرام على المسلمين، ولا يجوز لهم أكلها بالنص والإجماع، ولا تكفي التسمية عليها عند غسلها ولا عند أكلها.

Xoolaha lagu iibiyo suuqyada dawladaha aan islaamka ahayn; hadii la ogaado inay yihiin wax ay gawraceen ehlu kitaabku waa u xalaal muslimiinta, waa hadii aan la garanayn in loo gawracay sifadii shareecada waafaqsanayd, maxaa yeelay asalku waa xalaal sida quraanku sheegayo, arrintaasna waxba iskama badalayso ilaa la xaqiijiyo waxyaalo keenaya inay xaaraan yihiin.

Hadii ay hilibkaasi yihiin waxyaalaha ay qalaan gaalada kale, waa ka xaaraan muslimiinta, umana banaana in la cuno sida naska iyo ijmaacuba sheegayaan, kumana filna in bisinka loo qabto marka la dhaqayo ama marka la cunayo.[8]

Waxa Diyaariyey: Sheekh Abdulaziz Mohamed Oogle

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Create a website or blog at WordPress.com

Up ↑

%d bloggers like this: