Sujuudaha Quraanka waa imisa? sidese lo sameya? gormana la sameya? kaga bago qoralkan

Bismillah:

Sujudu waa xaalada adoonku ugu dhowyahay Rabbigii, waana siduu cadeeyey Rasuulkii Ilaahay (scw) isagoo ku booriyey umada Islaamka ah inay ku ducaystaan sujuuda dhexdeeda, ducadaas oo Inshallah la aqbali doono. Hadaba waxa kale oo jira dhawr sujuudood oo la sujuudo marka Quraanka la akhrinayo, waana 15 sujuudood, waxaana lagu gartaa aayada la sujuudayo calaamadan ۩.

Aayadaha Sujuudu ay kusoo aroortay:

 

(إِنَّ الَّذِينَ عِندَ رَبِّكَ لَا يَسْتَكْبِرُونَ عَنْ عِبَادَتِهِ وَيُسَبِّحُونَهُ وَلَهُ يَسْجُدُونَ).[1]

(وَلِلَّهِ يَسْجُدُ مَن فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ طَوْعًا وَكَرْهًا وَظِلَالُهُم بِالْغُدُوِّ وَالْآصَالِ).[2]

(وَلِلَّهِ يَسْجُدُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ مِنْ دَابَّةٍ وَالْمَلَائِكَةُ وَهُمْ لَا يَسْتَكْبِرُونَ).[3]

(قُلْ آمِنُوا بِهِ أَوْ لَا تُؤْمِنُوا ۚ إِنَّ الَّذِينَ أُوتُوا الْعِلْمَ مِن قَبْلِهِ إِذَا يُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ يَخِرُّونَ لِلْأَذْقَانِ سُجَّدًا).[4]

(إِذَا تُتْلَى عَلَيْهِمْ آَيَاتُ الرَّحْمَنِ خَرُّوا سُجَّدًا وَبُكِيًّا).[5]

(أَلَمْ تَرَ أَنَّ اللَّهَ يَسْجُدُ لَهُ مَنْ فِي السَّمَاوَاتِ وَمَنْ فِي الْأَرْضِ وَالشَّمْسُ وَالْقَمَرُ وَالنُّجُومُ وَالْجِبَالُ وَالشَّجَرُ وَالدَّوَابُّ وَكَثِيرٌ مِنَ النَّاسِ ۖ وَكَثِيرٌ حَقَّ عَلَيْهِ الْعَذَابُ ۗ وَمَنْ يُهِنِ اللَّهُ فَمَا لَهُ مِنْ مُكْرِمٍ ۚ إِنَّ اللَّهَ يَفْعَلُ مَا يَشَاءُ).[6]

(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا ارْكَعُوا وَاسْجُدُوا وَاعْبُدُوا رَبَّكُمْ وَافْعَلُوا الْخَيْرَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ).[7]

(وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ اسْجُدُوا لِلرَّحْمَٰنِ قَالُوا وَمَا الرَّحْمَٰنُ أَنَسْجُدُ لِمَا تَأْمُرُنَا وَزَادَهُمْ نُفُورًا ).[8]

(أَلَّا يَسْجُدُوا لِلَّهِ الَّذِي يُخْرِجُ الْخَبْءَ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَيَعْلَمُ مَا تُخْفُونَ وَمَا تُعْلِنُونَ).[9]

(إِنَّمَا يُؤْمِنُ بِآيَاتِنَا الَّذِينَ إِذَا ذُكِّرُوا بِهَا خَرُّوا سُجَّدًا وَسَبَّحُوا بِحَمْدِ رَبِّهِمْ وَهُمْ لَا يَسْتَكْبِرُونَ).[10]

(قَالَ لَقَدْ ظَلَمَكَ بِسُؤَالِ نَعْجَتِكَ إِلَىٰ نِعَاجِهِ ۖ وَإِنَّ كَثِيرًا مِّنَ الْخُلَطَاءِ لَيَبْغِي بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ إِلَّا الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ وَقَلِيلٌ مَّا هُمْ ۗ وَظَنَّ دَاوُودُ أَنَّمَا فَتَنَّاهُ فَاسْتَغْفَرَ رَبَّهُ وَخَرَّ رَاكِعًا وَأَنَابَ).[11]

( وَمِنْ آيَاتِهِ اللَّيْلُ وَالنَّهَارُ وَالشَّمْسُ وَالْقَمَرُ ۚ لَا تَسْجُدُوا لِلشَّمْسِ وَلَا لِلْقَمَرِ وَاسْجُدُوا لِلَّهِ الَّذِي خَلَقَهُنَّ إِن كُنتُمْ إِيَّاهُ تَعْبُدُونَ).[12]

(فَاسْجُدُوا لِلَّهِ وَاعْبُدُوا).[13]

(وَإِذَا قُرِئَ عَلَيْهِمُ الْقُرْآنُ لا يَسْجُدُونَ). [14]

(وَاسْجُدْ وَاقْتَرِبْ).[15]

Qaabka loo sujuudayo sujuuda Quraanka:

Hadii qofku uu ku jiro salaad kadibna uu soo maro aayad marka la akhriyo la sujuudayo wuu takbiiranayaa waanu sujuudayaa, markuu soo kacayana wuu takbiiranayaa, sababtoo ah nabigu (scw) sidaas ayuu yeeli jiray markuu sujuudayo iyo markuu soo sare kacayaba, waxaanu dhahay nabigu “Waxaad u tukataan sidii aad aragteen ee aan u tukanayey” [Bukhaari: 595 ]

Hadaanad salaad ku jirin ee aad ahrinaysay Quraanka oo kaliya kolkaa waa inaad takbiirataa isla markaad sujuudayo. Marka aad dhamaysato sujuudana ma salaamo naqsanaysid, mana takbiiranaysid ee kaliya waxaad takbiiranaysaa markaad sujuudayso kadibna waad kacaysaa un, sidaas ayaa ah qaabka ugu saxiixsan.

Sujuuda Quraanka ee ka baxsan salaada dhexdeeda malaha shardi inuu qofku wayso qabo iyo inkale, ee waad sujuudi kartaa sababtoo ah xitaa gaaladii ayaa sujuudaas la timi, sidaas awgeed culumadu waxay dhaheen: majiro xadiis shardi ka dhigay in loo dahaaro qaato sujuuda quraan akhrinta. Sidaasbaana saxiixa, oo culumadu u badanyihiin, Wallahu aclam.

Xukunka sujuuda Quraanka

Sujuuda Quraanku waa sunne, hala sujuudo salaada dhexdeeda ama dibadeedabee.

Ducadee la akhrinayaa Sujuuda Quraanka?

Sujuuda quraanka waxa la akhrinayaa guud ahaan ducooyinka a akhriyo sujuuda salaada, sida Subxaana Rabbiya Al-aclaa, iyo ducooyinka kale ee soo arooray. Waxaana ugu haboon inaad akhrido ducadan:

 اللهم لك سجدت وبك آمنت ولك أسلمت سجد وجهي للذي خلقه وصوره  وشق سمعه وبصره بحوله وقوته تبارك الله أحسن الخالقين. روى ذلك مسلم في صحيحه ( 1290 )

Allahumma laka sajadtu wabika aamantu, walaka aslamtu, sajada wajhii lilladii khalaqahuu, wa sawwarahuu, wa shaqqa samcahuu, wa basarahuu, bixawlihii wa quwwatihii, tabaaraka allahu axsanu al-khaaliqiin.

Ilaahow adaan kuu sujuuday, adigaana ku aaminay, adigaana kuu hogaansamay, wuxuu wajigaygu usujuuday Allhii abuuray, ee sawiray, ee jeexay maqalkiisa iyo aragiisaba, xeeladiisa iyo awoodiisa daarteed, waxa barako batay Ilaaha ah ka ugu wanaagsan ee wax abuura. [Muslim: 1290]

Fadliga ay leedahay Sujuuda Quraanku

 

( إِذَا قَرَأَ ابْنُ آدَمَ السَّجْدَةَ فَسَجَدَ اعْتَزَلَ الشَّيْطَانُ يَبْكِي يَقُولُ : يَا وَيْلَهُ ! – وَفِي رِوَايَةِ أَبِي كُرَيْبٍ : يَا وَيْلِي – أُمِرَ ابْنُ آدَمَ بِالسُّجُودِ فَسَجَدَ فَلَهُ الْجَنَّةُ ، وَأُمِرْتُ بِالسُّجُودِ فَأَبَيْتُ فَلِي النَّارُ ) رواه مسلم (رقم/81)

(Markuu ibnu aadamku akhriyo sujuuda Quraanka ee uu sujuudo, wuxuu shaydaanku ku kaliyoobayaa oohin isagoo leh: Hoogayeey! riwaadyada Abi Kuraybna : Hoogaygiiyeey! Ibnu aadamka waxa la faray inuu sujuudo waanu sujuuday wuxuuna helayaa Jannada, aniguna waxa la i faray inaan sujuudo waanan diiday, waxaanan galayaa naarta) [Waxa soo saaray Muslim: 81]

Leave a comment

Create a website or blog at WordPress.com

Up ↑