Dheelminta iyo Qaadidda Nabiga SCW

Dheelminta iyo Qaadidda Nabiga Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee

Dheelminta nabiga waxaa caddeeyay Quraanka iyo xaddiiska saxiixa ah kolka waxaa waajib ah in la rumeeyo in Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee Eebbe dheelmay habeennimo asiga oo Maka ka baxay oo masjidka al-Aqsaa u baxay.

Hase ahaatee, fuullinta (Micraajka) wuxuu ku caddyahay xaddiiska, Quraankuse nas cad oo aan ta’wiil rabin kuma caddayn wuxuuse ku soo arooray wax u eg nas cad.

Marka dheelminta waxaa ku soo arooray qowlkii Eebbe kor ahaayee: (Waxaa nasahnaaday kii (Eebbihii) ka dheelmay addoonkiisa habeennimo masjidka xaramka ah ee u dheelmay masjidka al-Aqsaa kaas oo aan barakaynay agagaarkiisa si aan aayadaheenna qaarkood u tusno)[al-Israa:1].

Haddii la yiraahdo: (Dhab ahaan wuu arkay (Nabigu Jibriil) mar kale)[an-Najm:13] wuxuu noqon karaa aragtida caluusaadka ah, waxaan leenahay taasi waa ta’wiil mana habboona in naska la ta’wiilo oo laga baxsho ujeedadiisa muuqata ayada oo aan daliil caqligal ah oo go’an loo hayn ama mid dhegaysi ah (xaddiis iwm) oo sugan sida uu ku yiri ar-Raazi kitaabkiisa “al-Maxsuul” iyo qaar kale oo culumada usuusha ka mid ah. Halkanna wax daliil ah lagu ma hayo.

Wuxuuna Muslim ka soo weriyay Anas bin Maalik Allaha ka raalli noqdee in Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee uu yiri: “Waxaa la ii keenay Buraaqdii (farastii) oo ah neef cad oo dheer oo dameer ka wayn baqalna ka yar qoobkiisana dhigaya meesha ishiisu ku dhammaato, wuxuu yiri: kolkaas baan fuulay intii aan ka imiday Baytul Muqadas kolkaas baan ku xiray qaaroodkii ay ku xiranjireen nabiyaashu, wuxuu yiri: kadibna waxaan galay masjidka kolkaas baan laba ragco ku tukaday, kolkaas baan ka soo baxay markaas baa Jibriil ii keenay, nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, weel qamro ah iyo weel caano ah, kolkaas baan caanihii doortay, kolkaas baa Jibriil yiri, nabadgelyo korkiisa ha ahaatee: “Fidradii baad dooratay”, wuxuu yiri: Markaa kadib ayuu samada ina fuushiyay..” Ilaa xaddiiska dhamaadkiisa.

Kolka xaddiiska waxaa ku jira daliil caddaynaya in dheelminta iyo qaadista labaduba ay hal habeena ahaayeen oo (la qaaday Nabiga) jirkiisa iyo ruuxiisa asiga oo soo jeeda, maxaa yeelay cidi ma dhihin wuxuu gaaray baytul Muqadas kadibna wuu seexday.

Hase ahaatee, aragtidiisa Nabigu uu Eebbe arkay habeenkaa la qaaday waxaa soo weriyay ad-Dabaraani kitaabkiisa “Mucjam al-Awsat” sanad xoog leh sidii uu yiri xaafidkii Ibn Xajar ahaa oo ka soo weriyay Ibn Cabbaas Allaha ka raalli noqdee asiga iyo aabbihiiba: ” Muxamad wuxuu arkay Eebbihiis laba jeer”, waxaa kale oo soo weriyay Ibn Khusaymah sanad xoog leh: “Wuxuu arkay Muxamad Eebbihiis” Ujeedaduna waa in uu (Nabigu) laabtiisa (qalbigiisa) ku arkay Eebbe waxaana taa u daliil ah xaddiiska Muslim ee laga soo weriyay Abii al-Caaliyah can Ibn cabbaas tafsiirkii qowlkii Eebbe: (Qalbiguna ma beenin wuxuu arkay. Maxawaad kula murmaysaan wuxuu arko. Dhab ahaanna wuxuu arkay mar kale( [an-Najm:13-15]. Wuxuu yiri: “wuxuu arkay (Nabigu) Eebbihiis laba jeer”. (Waxaa nasahnaaday kii (Eebbihii) ka dheelmay addoonkiisa habeennimo masjidka xaramka ah ee u dheelmay masjidka al-Aqsaa kaas oo aan barakaynay agagaarkiisa si aan aayadaheenna qaarkood u tusno([al-Israa:1].

Dheelminta
Waxay isku raaceen dadka xaqa ku taagan ee ah salafka iyo khalafka iyo muxadisiinta iyo mutakalimiinta iyo mufasiriinta iyo culumada iyo fuqahada in dheelminta Nabigu ahayd jirkiisa iyo ruuxiisa (labadaba) asiga oo soo jeeda habeennimo laga billaabayna masjidka xaramka ah loona kexeeyay masjidka al-Aqsaa.

Waxaa u yimid Jibriil nabadgelyo korkiisa ha ahaatee Nabi Muxammad nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee kolkaas buu u kexeeyay masjidka xaramka ah oo saaray buraaqda fankeeda taas oo ah neef ka mid ah xoolaha jannada oo dhigaya qoobkiisa ilqabadkiisu meesha uu ku dhamaado, axayna sii mareen Madiino iyo Duuri Siinaa’ iyo Bayti Laxam oo uu ku dhashay sayidkeenii Ciise nabadgelyo korkiisa ha ahaatee intii ay ka gaareen Baytul Muqadas, waxaana Eebbe u kulmiyay Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, nabiyaasha oo dhan laga soo billaabo Aadam iyo wixii ka dambeeyay oo ku kulmeen Masjidka al-Aqsaa ayada oo lagu sharfayo (Nabigeenna) kolkaas buu tujiyay asiga oo imam u ah.

Qaar ka mid ah waxyaabihii la yaabka lahaa ee Nabigu ku arkay dheelminta

  • Qaarka xanta badan: wuxuu arkay dad wajiyadooda iyo xabadkooda ku jeexjeexaya ciddiyo macdan ah kolkaas baa jibriil ku yiri: Kuwaasi waa kuwii dadka xaman jiray.
  • Imaamyada Fidnada wada: Waxaa kale ee uu arkay dad lagu jarayo carrabkooda iyo faruuryahooda middiyo naar ah, wuxuu ku yiri Jibriil: Kuwaasi waa kuwa fidnada dadka ugu yeera. Oo uu uga jeedo kuwa dadka qutbooyinka u akhrinaya si ay fidno iyo shar ugu horseedaan oo dadka waddada lunsan ugu yeeraan iyo fasahaadda iyo dhagarta iyo khiyaanada.
  • Taariku Salaadka: Waxaa kale ee uu arkay (Nabigu) dad madaxoodu burburayo oo hadana uu sidoodii ku soo laabanayo, kolkaas baa Jibriil ku yiri: kuwaasi waa kuwa ka wehsanaya salaadda gudashadeeda.

    Micraajka
    Micraajku wuxuu ku sugnaaday axaadiista saxiixa ah quraankuna si cad uma tilmaamin hase ahaatee waxaa ku soo arooray wax u dhaw tilmaan jaadkaas ah. Ujeeddada Fuulinta (Micraajka) laga leeyahayna waa sharfidda Nabiga ayada oo la tusayo cajaa’ibka caalamka sare iyo waynaynta mudnaantiisa.

    Waxaa la fuulshay nabi Muxammad nabadgelyo iyo nxariisi korkiisa ha ahaatee asiga oo Jibriil nabadgelyo korkiisa ha ahaatee la socda samada 1aad kolkaas bay ku arkeen Aadam nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, samada 2adna Ciise iyo Yaxye nabadgelyo korkooda ha ahaatee, samada 3aadna Yuusuf nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, midda afaraadna Idriis nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, tan shanaadna haaruun nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, tan lixaadna Muuse nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, samada toddobaadna Ibraahiim nabadgelyo korkiisa ha ahaatee.

    Fiiro Gaar ah:
    Eebbe waa kii abuuray samooyinka toddobada ah waana kii abuuray meelaha oo dhan waana kii abuuray waxyaabaha oo dhan. Eebbe wuu jiray oo joogay abuurista meelaha ka hor ayaga oo aan meelahaas jirin dhammaantood, waana Eebbaha aan u baanayn waxba. Wuxuu yiri Imaam cali Allaha ka raalli noqdee: Eebbe wuu jiray ayada oo aan meeli jirin, haddana waa sidii uu markii horeba ahaa. Taas oo looga jeedo in uu Eebbe jiray inta aanan meelaha la abuurin meel la’aan kolkii uu meesha abuurayna wuxuu jiraa meel la’aan, waxaana inagu filan qowlkii Eebbe ee ahaa: (Wax ekaankiisa ahi ma jiraan) [as-Shuuraa:11] oo looga jeedo: uma eka wax uunkiisa ka mid ah, lagumana tilmaamo wax astaamaha uunkiisa ka mid ah.

    Caqiidada ah in nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee uu tegay meel samada ku taal ama samooyinka ka sarreeysa oo Eebbe degganyahay, waa lunsanaan iyo beeninta qowlkii Iaalahay kor ahaayee: (Wax ekaankiisa ahi ma jiraan) [as-Shuuraa:11] iyo (Uma sugnaanin (Eebbe) cid ekaankiisa ah) [al-Ikhlaas: 4] oo looga jeedo ekaan malaha wax u dhigmana malaha.

    Waxyaabihii la yaabka lahaa ee uu arkay nabigu kolkii la qaaday

  • Baytul Macmuurka: oo ah aqal wayn oo ku yaalla samada toddobaad oo ay leeyihiin uunka deggan samada ee malaa’ikta ah sida kacbada ay u leeyihiin dadka dhulka deggan, maalinkasta waxaa gelaya toddobaatan kun oo malak oo ku tukanaya kadibna way ka baxayaan dibna u soo laaban maayaan.
  • Sidratul-Muntahaa: Waana geed aad u wayn oo salkeedu samada lixaad ku yaal kadibna kor u dhaafaysa samada toddobaad.
  • Jannada: Waana daarta nabadgelyada iyo nicmada, waxayna ku taallaa toddobada samo dushooda

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Create a website or blog at WordPress.com

Up ↑

%d bloggers like this: