Soojireennimada Eebbe waqti ma aha

Soojireennimada Eebbe waqti ma aha

Eebbe kor ahaayee, wuxuu jiray waqtiga iyo meesha ka hor, iyo gudcurka iyo ilayska ka hor, kolka asigu kor ahaayee ka mid ma aha caalamka cufan sida dhulka iyo dhagaxa iyo xiddigaha iyo dhirta iyo dadka, mana aha caalamka fudud sida ilayska iyo ruuxa iyo hawada iyo jinniga iyo malaa’ikta maxaa yeelay wuu ka duwanyahay dhacdooyinka, taas oo ah in uu ka duwanyahay uunka oo dhan. Kolka haddii la yiraahdo, miyaanay magacyadiisa ka mid ahayn “al-ladiifu”? jawaabtu waa: in al-ladiif oo ah magac Eebbe looga jeedo: kan adoomihiisa u naxariista, ama kan ka qarsoon malooyinka oo aanay haleelayn.

Kolka wax filkiisa ah ma jiraan kor ahaayee, macnaha wax u dhigma ma jiraan, wax ekaankiisa ahna ma jiraan lafahaantiisa iyo astaamihiisa iyo falkiisa, maxaa yeelay haddii uu ahaan lahaa ekaanka uunkiisa qaabkii ay doonto ha ahaatee, sida beegga (xajm) iyo dhaqaaqa iyo nagaanta iwm waxaa ma ahaadeen mid uume ah.

Kolka Eebbe wuu ka dhowrsanyahay in uu ku astoobo dhacdooyinka, sidoo kale astaamaha Ilaahay kor ahaayee waa mid soojireen ah (qadiim, azali) macnaha waligeed jirtay. Arrinkan mudnaanta uu leeyahay dartiis ayaa Imaam Abuu Xafiifa ka yiri: “Qofkii yiraahda astaamaha Eebbe kor ahaayee waa wax dhacay (xaadith), ama ka shakiya, ama ka joogsada, waa kaafir” wuxuu sidaa ku sheegay kitaabka “al-wasiyyah”. Ad-daxaawi-na wuxuu yiri: “qofkii Eebbe ku asteeya macne ka mid ah macnayaasha aadanaha hubaal waxaa ah in uu kufriyay”.

sidoo kale akhriso mowducan.              Ilahay swt miyuu samada kowaad usoo dagaa mise raxmadiisa ayaa soo dagta?

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Create a website or blog at WordPress.com

Up ↑

%d bloggers like this: