Gaaleysiinta muslimiinta Nabigooda ku amaana burdaha .

Beytka eey wahaabiyada ku gaaleeysiiyaan muslimiinta Nabigooda ku ammaana burdaha waa beytakaan ….iyagoon fahmin macnaha beytkaan.

Micnuhu wa sidaan ee nala arka …..
‎يا اكرم الخلق مالي من ألوذ به ##### سواك عند الحلول حادث العمم
Beydkaas   waa qeybtii saa hore ..يا اكرم الخلق مالي من ألوذ سواك. به waana Sidan

“Kii ugu karaama Iyo darajo badnaayoow (waa nabi mohamed ) …yaan magan aan U noqon oo aan Adiga aheyn

‎..عند الحلول حادث العمم. Yacni marka banka qiyaamaha dadkoo dhan taaganyihiin

 waana marka inta dadka hadba inta nabi u tagaan laga soo bilaawo Nabi Aadam   ilaa nabi muuse  ugu dambeyna loo imaanayo nabi Muxamad scw  anbiyaduna dhahayaan anagu maanta malihin oo kaliya aakhirka loo tagaayo nabi Muxamed scw oo shafaacada la warsanayo isagaana maalintaas kaligii loo nabad gali oo loo noqon magan .

Dadkii hore oo ahlulaahiga ahaa ee soomaaliyeed waxeeyba Oran jireen Sidan :- Nabi alloow magantaa baanu nahay.

Beytka kale ee ah Sidan
‎فان من جودك الدنيا وضرتها #### ومن علومك علم اللوح والقلم

Micnuhu waa Deeqdaada Nabi alloow waa mid labadaba ah deeq aduunyo Iyo aakhiraba .

Yacni nabigu isagaa xadiith ku yiri 😦 Nolosheeydu Iyo geerideeyduba waa idiin kheyr …

waayo ifka waxyiga soo dagayay oo xumaha la iska reebayey wanaagana waa la is farayay oo saxaabada kheyr buu u ahaa iyo hanuun ..

hadii ilaah oofsadayna waa U kheyr wali muslimiinta waayo nabiga isagaa yiri acmaashiina Ayaa la ii soo bandhigaa  hadeey fiicnaato ilaah baan ku mahadiyaa hadii danbiyo aan ku arkana ilaah baan danbi DHAAF idiin warsadaa …..! Saasuu Nabigu kheyr inoogu yahay  Iyo hodniino markasta  labada darodba aduun Iyo akhirawa

Sidoo kale ومن علومك waxaa  cilmiga ilaah ku siiyey  ka mid ah qeyb cilmiga loxa (looxul maxfudka)iyo qalinka  kamid ahعلم اللوح والقلم ..

Waxaa cilmigaada ka mid ah qeyb cilmul qeybka ka mid ah
Halkaan u fiirsada ereyga ah من Halkaan waa للتبعيضية …yacni Qaar (qeyb )

Ilahay swt nabi muxamed scw waxuu siyay qeyb kamid qeybka sida kasii waramida waxiii dhici doono iyo kasheekeynta qoomamki naga horeyay iyo waxi la mid ah
Waayo cilmiga ilaaheey ma ahan mid laso Koobi Karo laakiin cilmiga bani aadamkà waa mid kooban .

Imam buseyri ma Oran nabiga Ayaa og cilmulqeybka oo dhan …AMA ilaah baa ku siiyey cilmiga ku qoran looxa maxfuudka oo,dhan gabi ahaantiisa saa ma Oran …ee waxaa uu yiri Qaar ka mid ah oo  ku qoran looxa maxfuudka Iyo qalinka waayo intaasi malaa,iktu  waa ogtahay ..Nabi mohamedna scw waa Kan aduunka ugu cilmiga badan ilaahna ka raalli yahay intaasina waaba cilmi aad u kooban ku qoran looxa Iyo qalinka intaasi meelna shirki kagama jiro .
Waa haddii qofku caqli wax fahma Iyo maskax  wax gashaa ku yaaliin .

Intaasi Kor ku xusan waa inta eey wahaabiyada ku sheegaan shirki ,laakiin dhab ahaantii aaneey ba fahmin macnaha dhabta ah …waxaana taasi ugu wacan waa aqoon darrada ka heeysataa xaga luqadda afka carabiga Iyo fahan ka guud ahaan diinta …ilaaheey hasoo hanuunshee !

Muhiimaddu waa labadaasi beyd ee ugu horeeyey oo eey wahabaiyada innaga heeystaan oo eey shirki AMA gaalnimo ku sheegaan …..waana mideey jahligoodu Sabah u yahay …..bal gaalnimada eey dadka ku tuurayaan iyagoon ka fiirsan waliba si xaqdarro ah ma ahan mid dhulka dhaceeyso ee waa mid iyaga aakhirka kusoo noqoneeyso.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Create a website or blog at WordPress.com

Up ↑

%d bloggers like this: