Qisadii Nabi Sulaymaan Caleyhi Salaam

Nabi Sulaymaan
Caleyhi Salaam

Qisasal Ambiyaa| Nabi Sulaymaan (Caleyhi Salaam)
Naxariis iyo Nabadgalyo Eebbe Korkiisa Ha ‘Ahaataye

Decorative Lines

Nebi Sulaymaan
Iyo Xikmadaha Ku Qarsoon

Waa taxane aan ugu talo galnay in ay dadku la noolaadaan Quraanka kariimka ah oo ay noloshooda ugu dabaqaan, una arkaan oo ay islamarkaasna u dhadhamiyaan sidii uu iyaga ku soo degay oo kale. Waxaa mahadda iska leh ilaaha uumay khalqiga kiisa wanaagsan iyo kiisa xun ee inagu manaystay jawharka qaaliga ah iyo ilayskaan damayn(islaamka) waxaana ammaan iyo wanaag u sugnaaday Nebigeenii, sayidkeenii,hogaamiyaheenii, macalinkeenii, Muxamed nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, hooyooyinkii muuminiinta iyo saxaabadii iyo intii ku raacday xaqa ilaa uu ilaahay ka dhaxlayo dhulka.

Iintaa ka dib waxaan jeclaystay inaan idiin soo bandhigo waxyaabaha cajaa,ibka ah ee aan kala kulmay siirada nebi sulayman (cs) mana ihi caalim ama mufti doonaya inuu dhex mushaaxo badda cilmiga ee se waxaan idiin soo bandhigayaa uun inaad ku cibro qaadataan qisadaa ay ku weheliyaan: gabadh Boqorad ah, qudhaanjo boqorad ah, hud-hud layaaban dad bilaa iimaan ah iyo Nebi ilaahay isagoo wax kasta siiyay kuna idhi kaama xisaabinayne xoolaha ee waxaan doonto ku samee oo hadana aad yaabaysid siduu wanaaga ugu samaynayo.

Nebi sulaymaan (cs) sidaynu ognahay waxaa dhalay oo aabe u ah Nebi Daa,uud (cs) oo ahaa nebi cibaado badan oo ay ay la jiibin jireen tasbiixdiisa buuruhu oo uu ilaahay u fududeeyay birta xadiidka ah (Buurahoow la celceliya (jiibiya) tasbiixda, shinbirahawna (la celceliya tasbiixda)

”waxaanan u jilcinay birta.’’ {Surat: Saba,10}

Wuxuu ahaa nebi ilaahay siiyay cod aad u qurux badan oo marka uu akhrinayo quraanka ay shinbiruhu istaagi jireen, sida ku sugan axaadiista saxiixa ah: “wuxuu maqlay rasuulku(csw) habeen Abii Muusal Ashcariyi oo akhrinaya Quraan markaasuu istaagay oo uu dhagaystay markaasu yidhi(csw) “waxaa lagu siiyay Mizmaar kamid ah Mazaamiirtii daa,uud” Nebi sulaymaan(cs) wuxuu ka dhaxlay cilmiga aabihii nebi Daa,uud (cs) isagoo ay u sii dheer yihiin fahanka luqada shinbiraha kuna mahadnaqaya gallada iyo nimcada ilaahay siiyay;

”Wuu dhaxlay Sulaymaan Daa,uud wuxuuna yidhi dadoow waxaa nala baray codka shinbiraha waxaana nala siiyay wax kasta(oo xukun ah) kaasina waa fadli cad.” {Surat: An-Naml, 16}

Maalin maalmaha ka mid ah waxa uu soo ururiyay nebi Sulaymaan (cs) askartiisii oo isku jira jin iyo insiba waayo ilaahay ayaa u sakhiray bal intaynaanse galin isu soo saaritaanka uu sameeyay Sulaymaan aan dib u jaleecno wuxuu waydiisatay ilaahay iyo sidii uu uga aqbalay Nebi sulaymaan wuxuu yidhi:

‘’Wuxuu yidhi Ilaahoow ii danbi dhaaf ina sii xukun aan ku habboonayn cid iga danbaysa adaa bixin badane ahe # waxaanan u sakhirnay dabaysha iyadoo ku socota amarkiisa iyadoo jilicsan meeshuu doono shayaadiintana (waxaan u sakhirnay) mid wax dhisid iyo mid wax dhunbasho badan.’’ [Surat: Saad,35-37]

Waa aayad ah in loo fiirsado waxa uu ku bilaabay danbi dhaaf intaanu weydiisan xaajadiisii ,waxa la inooga baahanyahay in aan ilaahay weydiisano denbi dhaaf faro badan si markaan arrin inagu cidhiidhi noqoto uu inooga ajiibo Nebiguna(csw) wuxuu yidhi:

“Qofka badiya ISTIQFAARKA (denbi dhaaf dalbida) ilaahay wuxuu uga dhigaa shay walba fudayd meel aanu ka filaynna wuu ka arsaaqaa.”

Waa waxyaabaahaynu iska ilawnay ee aynu xasuusano uun markaan dhib la kulano waa inaynu markasta xasuusnaanaa dikriga iyo xusida ilaahay, Nebi sulaymaan markuu denbi dhaafkii weydiistay wuxuu yidhi ilaahaw waxaad i siisaa mulki aan cidina iga daba dhaxlin waxaad tahay ka ku hibaysashada iska leh. Waa ilaahay ka cidduu doono siiya wiilal ciduu doonana siiya gabdho hadduu doono iskugu dara wiilal iyo gabdho hadduu doonana ka dhiga madhalays.

Ilaahay wuu ka aqbalay addoonkiisii, nebigiisii Sulaymaan waxaanu u sikhray dabaysha oo ku socota amarkiisa iyo shayaadiinta iyo waxyaabo kale markaasuu ku yidhi waa kaase sidaad doonto ugu tasaruf kuma weydiinayno’ e.

Addoonkuna waa inuu Ilaahay ku xidhnaado waxyaabaha inaga daboola in la inaga aqbalo ducooyinkana waxaa ka mid ah risiqa xaaraanta ah ee aananay dadka intooda badani u kala aaba yeelin marka laga reebo in Ilaahooda garatay mooyee, sidaa daraadeed ducooyinkaan ducaysanayno markay arrimuhu inagu soo ururaan ee ayna jirin cid inaga furdaamin karta Ilaahay mooyee waa inaan danbi dhaaf waydiisanaa.

Bal ka waran inaad u tagto qof amah badan kugu lahaa oo aad hadana ku tidhaah xoolo kale i amaahi ma ku amaahinayaa waxa uu ku odhanayaa waa soo bixi horta amaahdii hore, markaa danbiyadeena aan ilaahay waydiisano inuu inaga dhaafo oo aan yeelano wardi maalinle ah ugu yaraan 100 goor aan Ilaahay danbi dhaaf waydiisanayno, Nebi Muxamedna(csw) waxaa uu ahaa kii maalintii inka badan 70 jeer Ilaahay waydiisan jiray danbi dhaaf –waana kii ugu khayrka badnaa.

Wuu soo ururiyay isagoo iskugu keenay meel bannaan ah intiise ay socdeen ayaa waxay ku soo beegmeen boqortooyo qudhaanjo ah oo nidaamkeeda iyo hanaankeeda leh, hadaynu si fiican ugu fiirsanno boqortooyadaa waxaynu ka heli iyadoo ay is jecel yihiin iyo siday boqoraddu ugu digayso raciyadeeda ee aanay ahayn mid nafteeda uun ilaalinaysa way aragtay colkii Nebi Sulaymaan(cs) markaasay u digtay ciidankeedii iyadoo ku leh gala guryihiina oo iska jira Sulaymaan iyo ciidankiisu yaanay idin burburine.

Way sii waday boqoraddu(qudhaanjadu) hadalkeeda si ay u qanciso ilayn markay maqlaan yaanay idin burburine! waxay is weydiinayaan maxaan ku samaynay?! laakiinse si xikmad leh ayay u tidhi “isagoon idin dareensanayn”. waxaa maqlay hadalkaa Nebi Sulaymaan(cs) oo dhoola caddeeyay markaasu ku mahadnaqay ilaahay, ilaaha u sahlay inuu maqashiiyay codkaa qudhaanjada u digaysa ciidankeeda ay masuulka ka tahay markaasuu yidhi:

‘’Ilaahoow I waafaji inaan ku mahadiyo Nicmadaad igu galladaysatay Aniga iyo Waalidkay iyo inaan sameeyo wanaag aad ka raali tahay iguna gali naxariistaada Addoomadaada wanaagsan dhexdooda.’’ {Surat:An-Naml,19}

Ilaahoow i waafaji ruuxayga iyo jidhkaygaba inaan kuugu mahadnaqo nimcadaada iyo galadaada aad ku galadaysatay aniga iyo waalidkay waa duco looga baahan yahay inaan waalidiinteena ugu ducayno waayo xaq weyn bay inaga mudan yihiin way ina soo koriyeen oo ay ina koolkooliyeen markaasay kulayl iyo qabaw inaga ilaaliyeen,

Habeenoo dhan inoo soo jeedeen, dadkuse ma dareensana in waalidku markay dhintaan loo samo falo oo loo duceeyo waxaabad moodaa inay (haddii uu lacag leeyahay) u baryayaan inuu dhinto si ay dhaxalka uga qaataan miskiin! ma lacag ayaad ku bedelanaysaa waalidkaa?, laakiinse wiilka ama gabadha baariga ah waa kuwa raaca dariiqa wanaagsan ee uu ilaahay ku tilmaamay suuratul Axqaaf iyagoo odhanaya markay waaweynaadaan ee ay ku dhawaadaan 40ka waa marka uu qofku caqli iyo cudud, jidh ahaaneedba uu dhamaystirmo.

’Ilaahoow I waafaji inaan ku mahadiyo Nicmadaad igu galladaysatay Aniga iyo Waalidtay iguna toosi inaan camal fiican ood ka raali tahay aan sameeyo,iina wanaaji faracayga(duriyadayda) waana kuu toobadkeenaye, waxaanan ka mid ahay muslimiinta.’’ {Surat: Al-Axqaaf,15}

Waa kuwaa hadalka awlaada wanaagsan ee caafimad qaba ruux iyo jidhba ee uu ilaahay siiya qiyamka wacan ee wanaagsan ku shukriyay(mahadnaqaya)nimcada ilaahay iyo inuu ilaahay waafajiyo camalka wanaagsan ee uu ka raalida yahay. hawraar iyo hadal iyo ficilba ku ducaysanayana inuu ilaahay duriyada u wanaajo waayo qofka waalidkiisa ku noqda caaq isna way u taalaa waa tii horeba loo yidhi saddex laguma hodmo.

  1. Habaar waalid
  2. Hansi gabdheed
  3. Hadimo xoolaad

Markay la yimaadaan dadkaa wanaagsani ee u baari ahaa waalidkoodu arrimahaas ayuu ilaahay odhanayaa:

‘’Kuwaasi waa kuwaannu ka aqbalayno camalkoodii fiicnaa, kana dhaafayno koodii xumaa, waxayna noqon ehlu-janno Ilaahayna waxa uu u yaboohay yabooh run ah.’’[Surat: Al-Axqaaf,16]

Ogooda dhalinyarooy waalidka qiimihiisa iyo qaayahiisa markaasaad adduun iyo aakhiraba liibaabiye! Aan isku dayno inaan dib u xasuusano maalmihii aan tabarta darrayn iyo siday inoola soo dadaaleen, oohinteena siday ugu baraarugayeen, iyo waxyaabo kale oo aynaan ku soo koobi Karin halkan.

Wuu sii watay nebi Sulaymaan hadalkiisii markaasuu yidhi ilaahoow igu kaalmee inaan camal fiican oo aad ka raali tahay aan sameeyo iguna gali raxmadaada inaan noqdo adoomahaaga wanaagsan.

Nebi sulaymaan (cs) wuxuu ilaahay weydiisanayaa in uu ku galiyo janada raxmadiisa maaha inuu ku galiyo camalkiisa, Nebiguna (csw) wuxuu ku yidhi asaxaabta qofna kuma galayo camalkiisa janada markaasay yidhaahdeen xitaa adiga miyaa rasuulkii ilaahayoow markaasu yidhi:

”Xitaa aniga ilaahay uun baa igu hadheeyay raxmadiisee.”

Sidaasi ayaa looga baahan yahay qofka muuminka ahi inuu ku dhex noolaado cabsi iyo rajo oo aanu talo saaran salaad badnidiisa ,soonkiisa waayo waxaasoo dhan hadii laguugu xisaabiyo xubin ka mid ah jidhkaaga waxay ku ag noqonayaan waxba ilaa ay dhacdo in adigaba lagugu yeesho deyn, haddii aynu u fiirsano suuradu Mulk ilaahay wuxuu sheegay.

‘’Si uu u imtixaamo kiina camal wanaagsan.’’ [Surat:Al-Mulk,2]

… ee muu odhan kiin camal farabadan sidaa daraadeed waxaa haboon in lagu dedaalo in camalkeena aan ka dhigno mid u gaar ah ilaahay tallaabo kasta inaan ilaahay xasuusano.

Nebi sulaymaan (cs) wuxuu istaajiyay ciidankiisii markaasu wada indha –indheeyay waxay ishiisu qabdan wayday hud-hud markaasu ka raadiyay hud-hudkii mise wuxuu arkay isagoo maqan wuxuu yidhi:

‘’Maxaan u arki laayahay Hud-hudkii mise kuwa maqan buu ka mid yahay.’’[Surat: An-Naml,20]

Nebi Sulayman(C.S)wuu gartay inuu maqanyahay markaasuu amarkiisa bixiyay taasina waa waxyaabaha lagu garto maamulka geesiga ah iyo hoggaamiyaha wanaagsan waayo wuxuu baadhaa oo uu ka warhayaa cida uu ka masuulka yahay markaasuu haduu waayo wuxuu qaataa go,aan ay ku cibro qaataan askarta kale si aanu mid kale ugu dhiirran ficilkaas iska baxa ah oo kale,hadaba go,aanka uu qaatay Nebi Sulaymaan(C.S) muxuu ahaa..?

Waxa uu markiiba yidhi isagoon jeed jeedsan oo aanan odhan muu iska tagaya! Yaa wax u dirsaday! Muxuu iigu sheegi waayay !

‘’Waxaan cadaabi cadaab daran ama waan gawrici ama wuxuu ii keeni xujo cad.’’ [Surat: An-naml,22]

Waan cadaabi oo ay ku fasiraan culimadu waxaan ka rifi baalalka ama waxaan ku dari shinbiro kale oo aan ahayn dhigiisa si uu u dareemo diiqad. Laakiinse hadalkiisa waxa uu ku ladhay ama wuxuu ii keeni xujo cad, haddii wax cad oo lagu qanco lagu tusiyo ha canaatamin ee ka aqbal. waxaan halkaa ka faa,idaynaa in aad go,aan ka qaadato marka ay arrini ku soo wajahdo adigoo Ilaahayna talo saaranaya.

Hadalkii Dhex Maray
Hud-Hud iyo Nebi Sulaymaan

Hudhudku wuxuu soo maray meelo fara badan oo uu soo arkay boqortooyadii Saba taasoo sida uu ilaahay sheegay wax kasta uu siiyay adduunkan dushiisa intii ay ku noolayd ha noqoto dhaqaalaha iyo horumarka , iyo wax kastoo uu boqor haysan karo, hud-hud oo tagay ayaa ka sheekaynaya arrimaha uu soo arkay, Nebi saleebaan (cs) ayaa markuu soo noqday uu ku yidhi: waxaan soo arkay meel aanad arag sabana waxaan kaaga sidaa war la hubo.

Hud-hud ayaa Nebi Saleebaan (cs) sidaa ula hadlayaa boqor ka mid ah boqorada adduunka! isagoon cabsi iyo dulinimo dareemayn taasina waxaa looga baahan yahay inuu hoggaamiyuhu ku beero raciyadiisa oo aanay ka gabban xaqa balse ay u sheegaan, sida uu Nebi Muxamedba(NNKH) uu ugu rabbeeyay saxaabada oo kale, laakiinse kaligii talisku(Dictator) waxa uu doonaa uun in qalad iyo saxba lagu raaco. wuxuu yidhi Hud-hud:

“Waxaan soo arkay boqortooyo ay gabadhi madax u tahay oo uu wax kastaba ilaahay siiyay hase ahaatee u sujuudaya cadceeda. labada hadal ee uu isdaba dhigay waa laba hadal oo uu mid nimcadoodii maadiga ahayd kaga hadlay midna tii ruuxiga ahayd, ta maadigii inay sarrayso oo ay ta ruuxiga ah ka dhinteen ayuu sheegay markaasu ku sameeyay isbarbardhig isagoo si qoto dheer ugu fiirsanaya labada arrimood (ta maadiga ah iyo tan ruuxiga ah) laakiin caqli wanaagiisa iyo indheer garadnimadiisii ayuu ku kala badhax tiray labada wadood isagoo si layaableh ku jirto u yidhi:

“Miyay u sujuudaan ilaaha waxa dhulka ku qarsoon soo saara.”

Waxay sheegaan culimadu inuu leeyahay af dhuuban deedna uu kala soo dhex baxo waxa ku jira sidaa daraadeed buu markiiba nimcooyinka Ilaahay ku galladaystay u xasuustay. hud-hud waxba umuu arkayn carshiga(kursiga) boqorada balqiis ee wuxuu il gaara saarayay qiyamka nolosha waayo nolol bilaa diini maaha nolol, si kastood dhulka mugii u haysato waad aradantahay uun. sidaas ayuu hudhudkii ku kala saaray oo uu ka soo gudbiyay warbixintii(Reportkii).

Bal hadduu inaga maanta ina soo eegi lahaa muxuu inaga odhan lahaa markuu arko waayeelkii oo aan hadal mooyee hami lahayn oo aanan dhiiri galinayn da,yartii, qayil iyo qabyaalad uu qaybiyo mooyee aan ummadda u tudhayn kana fikirayn aayaheeda, dumarkii oo iyaguna is mooday aqoonyahan kadib markay ka tallaabsadeen tubtii toosnayd ee dhaqanka iyo diinta ku dhisnayd, oo ku doodaya xuquuq baa naga maqan, sideeda maarso ha loo dabbaal dego siyaasada waan aan ka qayb galnaa, iygoon wali soo gudan waajibaadkii saarnaa.

Dhalinyartii oo ukala baxday in sigaar iyo qaad jahawareeriyay oo aan la tisqaadi Karin nolosha cusub oo ku fikiraya inay iyaguna noqdaan siyaasiyiinta waddanka una haysta siyaasada hadal iyo afmiishaarnimo, iyo qaar kale oo hablo ay gidaarada, telefoonka, suuqyada kula sheekaystaan mooyee aan hawl kalaba hayn ,iyo dad uu wareeriyay dhoof oo u hanqal taagaya qurba joog aan qiimo iyo qaayo toona u lahayn, iyo arday ka saaqiday wax barashada oo ku marmarsiyoonaya wadanku waa busaarad.

Shaqo la,aan ba,an baa ka jirta, oo hamigoodu noqday inay wadooyinka, maqaaxiyaha, ay ka hor sheekeeyaan iyagoo is moodaya libaaxyo, Waana wax runtii laga xumaado Ilaahayna loo baryo inuu hagaajiyo, Waxaan odhan lahaa dhalinyarta (oo aan anigu ugu horeeyo) waayeelka, dumarka, aqoon yahanka, qaata qaacidadan:

Diin Dhaqan Xirfadaada 
Aqooneed iyo Farsameed

Saddexdan qaaciido/Qormosin waxay kuu samaynayaan inaad samayso saddexagal aan dhana loo liicinayn oo ku qotoma gun dheer adagtahayna sida loo jebiyo. waayo qofka si fiican u yaqaan diintiisa fahansanna waayaha iyo wacyiga ku xeeran wuu kala saari karayaa ka tuuga ah iyo ka taageeraya xaqa, cadawga iyo saaxiibka, xumaanta iyo samaha wuxuuna yeelanayaa foojignaantii Cumar Bin Khadaab oo kale isagoo sidiisii oo kale odhanaya “ma ihi doqon, doqonkuma ima siro”.

Waxa uu arkaya adduunyada sidii ay u arkeen Saxaabadii Rasuulku (Ilaahay raali ha ka ahaadee) kuma habsaamayo hadal fayla soof iyo aftahanimada afmiishaarka iyo eedaynta cadawga balse wuxuu wax walba kor saaraayaa miisaanka islaamka isagoo u eegaya waxay diintiisu ka leedahay tallaabo walba oo uu qaadayo kuna doonayo inuu ka midho dhaliyo, waxaan akhristay taariikhaha mufakariinta reer galbeedka waxaanana ka helay inay adduunka si wanaagsan u habaysteen oo ay horumar ka gaadheen, laakiinse mid waliba markay dhimashadiisu soo dhawayd ayuu calaacal iyo ka xumaansho bilaabay.

Dhaqankiisa soomaaliyeedna ku faanaya oo ka sheekaynaya wanaagiisa sida ay xallin jireen khilaafaadka. suugaantoodii quruxda lahayd ee damin jirtay colaadaha, ifin jirtayna nabada, adkayn jirtay walaaltinimada, odorisi jirtay abaaraha iyo xilliyada barwaaqooyinka.

Xirfadaadana waxaa ka mid ah waxaad takhasus ku leedahay hadaad tahay dhakhtar, injineer, macallin, maamule,iwm waana inaad ugu shaqaysaa bulshadaada oo aad ka haqabtirtaa, meel kastood wax ka baranaysana waa inaad niyada ku haysaa inuu waddankaagu kuu baahan yahay ee ha isku ilaawin ilaha dhaqaale ee ay rag kula mid ihi soo saarteen, hana noqon xaasid waayo cilmigaaga waad la dhiman waana lagu waydiin.

Laakiinse haddaad barto qof adigoo Ilaahay wajigiisa ku doonaya waxaad heli ajarkeeda iyo abaalkeeda xitaa adiga oo godka ku jira. Nebigu(csw) wuxuu yidhi: “Camalkastoo uu leeyahay bini,aadmigu wuu go,aa marka uu dhinto, marka laga reebo Cilmi naafac ah, Sadaqo socota(sida masaajid, cisbitaal, dugsi uu Ilaahay dartii u dhisay) iyo Ilmo wanaagsan oo u soo duceeya”

Nebi Sulaymaan(cs)wuxuu ku yidhi “waan sugi inaad run sheegto iyo inaad kamid tahay beenaalayaasha” taasi waxay kuu cadaynaysaa in ay hubsiimadu ka mid tahay hogaanka wanaagsan ee looga baahan yahay qof kastoo masuul ah ha noqoto maamul, dawlad, wasaarad, madarasad, jaamacad, urur, adduunkan aan noolnahaya waliba qarniga 21 aad waxaa batay beenta waxaad arkaysaa in qolo waliba ay samaysatay Warbaahin u khaas ah oo ay siday doonayso dadka ugu dhiibto iyadoo u aabayeelayn waxay odhanayso, dadkiina way aaminsiiyeen oo dhib bay ku haysaa, waxaana tusaale kaaga filan haddaad dadkeena ku tidhaah Warbaahintaa sidaa sheegtay waxay u aaminayaan waxyi ahaan. Warbaahinta dhibaatadeedana waxaad ka sii korodhsan kartaa kitaabka “Dhibaatada Warbaahintaee uu qoray Allaha u naxariistee Cabdalla Naasax Calwaan.

Nebi Sulaymaan(cs) wuxuu ugu dhiibay warqad hud-hudkii boqortooyadii SABA isagoon markiiba la soo boodin inuu diyaariyo askar fara badan balse si xikmadaysan ayuu u xalliyay waxana uu door biday horta inuu la xidhiidho si uu markaa go,aan u qaato waxaanu ugu qoray warqada sidan.

Ka: Sulaymaan
”Magaca Ilaaha raxmadda guud iyo naxariista gaar ah iska leh
Ha iska kay kibrinina (weynaynina) ee imaada idinkoo is dhiibay”

Waxaan ka faa,iidaynaa halkaasna in Nebi Sulaymaan(CS) uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee qora warqad, halka maantana aan uga naqaano (written communication)( qoraal ku wada xidhiidhka) waxaynu ku wada xidhiidhnaa waa qoraal, maqal iyo muuqaal, Emailka aad isticmaasho waxaa ku qoran FROM oo ay macnaheedu tahay ka:! Nebi Sulaymaan(CS) waxa uu u dirayay Balqiis warqada sidaa daraadeed wuxuu ku muujiyay ciday ka timid oo ah isaga.

Intaa ka dib wuu duulay hud-hudkii isagoo sida la sheego isku beegay god ay cadceedu uga soo gali jirtay boqorada oo ku yaalay qasrigeeda dabadeedna waxay is tidhi bal waxa cadceeda kaa qariyay ka qaad mise waaba warqadii way kala furtay markaasay akhriday, jawaabtay bixisay gabadhaasi dhabeelnimadeeda iyo caqli qummanaanteeda waad la yaabi.

Nabi Suleymaan
oo Boqol Xaas u Galmooday

Bukhaari iyo Muslim ayaa ka wariyay Abuu Hurayra in Nabigu (scw) yiri: (Suleymaan Ibnu Daawuud wuxuu yiri: Wallee caawa waxaan isu marayaa todobaatan xaas oo mid waliba qaaddo wiil fardooley ah oo jidka Ilaahay ku jihaada. Saaxiibki ayaa markaa yiri: In shaa’ Allaahu, mana oran (Suleymaan). Dumarkii wax uur ah may qaadin, hal mid oo dhashay ilmo jeex ah mooyee).

Nabigu (scw) wuxuu yiri: (haddii uu oran lahaa In shaa’ Allaah way wada jihaadi lahaayeen). Riwaayadaha xadiiska qaar ayaa sheegay sagaashan xaas, qaarna sagaal iyo sagaashan, qaar kalena boqol. Riwaayadaha qaar ayaa caddeeyay in cidda ku tiri Nabi Suleymaan In shaa’ Allaahu dheh uu yahay malak, mana uu oran oo wuu hilmaamay.

Xaasaskii wuu isu wada maray, mana ay dhalin hal xaas oo qof barki dhashay mooyee. Nabigu (scw) wuxuu yiri: Haddii uu Nabi Suleymaan oran lahaa in shaa’ Allaah ma dambaabeen, dantiisana saas ayaa u rajo badnayd).

Faa’iidooyinka Qisada ku jira:

1.Nabi Suleymaan wuxuu ka mid ahaa boqorada mujaahidiinta ah, Allena siiyay boqortooyo weyn, uuna u sakhiray insiga, jinniga, shimbiraha iyo dabaysha. Sida uu u jeclaa jihaadka waxaa tusaya: a) sida uu fardaha xoogga u saari jiray, sida uu ugu dadaali jiray ciidankiisa, looguna soo bandhigi jiray ilaa uu gaaray heer uu tabo hal shimbir (Hud-hud) oo ka maqnaaday. b) sida uu ugu mamanaa jihaadka waxaa kale oo tusaya inuu ku dhaartay in uu caawa u galmoodo boqol ama in ku dhaw oo xaasaskiisa ka mid ah, mid walbana ay dhali doonto wiil fardooley ah oo jidka Ilaahay ku jihaada.

2: Muslimiintu intay jihaadka galaan iyagu ayay haddana waxay u halgami jireen sidii ay u dhali lahaayeen jiilkii mustaqbalka sii wadi lahaa.

3: Jihaadku waa meeshii ugu sarraysay islaamka, qofkii ku shahiidana wuxuu u shafeecayaa todobaatan ahalkiisa ah; sidaa darteed ayay waalidiinta wanaagsani ku dadaali jireen in ilmohooda darajadaas gaaraan, iyaguna ay uga helaan ajar iyo shafeeco.

4: Dhallinyarada gaartay guurka rag iyo dumarba, isla markaana heli kara wax ay ku dhistaan waa inay guursadaan. Guurkooda in ay ku xiraan shuruud waxay seejinaysaa ajar weyn oo joogto ah, ummaddana waxay ka beerdaraynayaan ubad qiima leh oo meel weyn u gali lahaa. Dhallinyaradu waa inay ogaadaan in aysan ummadda wax weyn u tarayn nooca sariirta ay ku seexdaan iyo kharashka ku baxay arooskooda ee waxa Nabigeennu (scw) ku faanayo, muslimiintuna ka faa’iidayaan waa ubadkooda. Maxay idin la tahay inanka ama inanta guurgalka ah oo 35-45 sano ku gaaraya doobnimo iyagoon tabari u diidin guurka?!!.

5: Ilmuhu waxay badanaa noqdaan sida loo tarbiyeeyo. Nabi Suleymaan wuxuu ka rabaa ubadkiisa in uu ka dhigo mujaahidiin fardooley ah. Haddaba ubadka waa in looga sii waramo waxa laga rabo mustaqbalka, laguna tarbiyeeyo; si ay nafsiyan iyo fikriyanba ugu sii diyaargaroobaan.

6: Qisadu waxay tusaysaa sida dadka saalixiinta ahi u jeclaayeen inay dhalaan ubad suuban oo jidka Alle ku jihaada, sida uu Nabi Suleymaan u jeclaystay in uu dhalo tiradaa badan ee ilmaha ah.

7: In marka la guursanayo ama xaaska loo galmoonayo loo niyaysto in ubad suuban laga helo oo diinta Alle koryeela; si qofku ajar uga helo ficilkiisa ama Alle uu ugu qaado niyadiisa wanaagsan, illeyn ilmo Alle darti loo dhalay iyo ilmo aad hadhaw wax ku dulmidid loo dhalay isku mid ma ahee. Imaam Bukhaari wuxuu kitaabkiisa Saxiixa ku daray baab uu ku magacaabay: Ninkii ilmo u dalba jihaad darti, wuxuuna wariyay xadiiskaan.

8: Nabigeennu (scw) wuxuu xadiis kale ku sheegay in ninkii xaaskiisa u galmooda ay sadaqo u tahay. Wuxuu kale oo yiri: wixii sadaqo ah oo aad Alle wajigiisa ku dalbaysid ajar ayaa lagaa siin, waxa aad xaaskaaga afka u galisidba ha ahaatee. Arrintaas waxay culimadu u daliishadeen in samaynta walxaha bannaan ajar laga helayo haddii Ilaahay darti loola yimaado ama wax diintu ku amartay loo kaashanayo.

9: Waxaa sunno ah in ninkii xaaskiisa u tagaya uu niyaysto inuu ubad suuban dhalo, sida Suleymaan yeelayba. Tan kale waa in uu Alle ka baryo in uu shaydaanka ka dheereeyo iyaga iyo ilmaha Alle siiyaba. Haddii Alle ilmo siiyana waa inuu ugu duceeyo inay saalixiin noqdaan, Rabbina shirkiga ka fogeeyo.

10: Guurka diintu waxay u jidaysay in lagu xaqiijiyo ahdaaf waaweyn oo la’aanteed aanu qiimo yeelanayn. Waxaa ka mid ah: a) In lagu helo ubad wanaagsan oo diinta, waalidka iyo ummaddaba anfaca, isla markaana uu u sii baaqi ahaado banii Aadamku. Nabigeennu (scw) wuu ku booriyay ummaddiisa in ay guursadaan; si uu ummadaha kale uga dad bato aakhiro. b) In qofku naftiisa kaga ilaaliyo waxa Alle ka xaaraameeyay. c) In qofku ka haqab beelo baahidiisa jinsiga ah d) in uu ku helo deganaansho nafsi ah. e) in lagu abuuro cilaaqaad bulsho oo dadka isku xira (xidid iyo xigaalo). f) In labada qof ee isu dhaxa ay is dhammastiraan (midba kan kale waxa ka dhiman ku biiriyo).

11: Waxaa u bannaan qofka in uu ka waramo waxa uu filayo mustaqbalka inay dhacayaan, uuna ku dhaarto sida Suleymaan yeelay, waxaase saaran in uu ku xiro arrinta doonista Ilaahay oo uu dhoho In shaa’ Allaah. Qofkii ku dhaarta wax mustaqbal ah, isla markaana dhaha: In shaa’ Allaah ma dambaabayo.

12: Malaa’igtu waxay addoomada xusuusiyaan khayrka, wayna ku booriyaan, halka shayaadiintu sharka xusuusiyaan, kuna booriyaan.

13: Nabiyaasha iyo dadka wanaagsan sarbeeb ayay u isticmaalaan waxyaabaha laga xishoodo, sida nabi Suleymaan u yiri: wallee caawa waxaan ku soo wareegayaa boqol xaas. Si qayaxan uma sheegin waxa uu samaynayo.

14: Shareecadii Nabi Muuse waxaa ku bannaanayd in ninku guursado dumar aad u farabadan, shareecada islaamkuse ma ogola afar ka badan.

15: Xadiisku wuxuu tusayaa in ay u bannaan tahay ninkii xaasas badan leh in uu hal habeen isu maro, waana arrin Rasuulkeennu (scw) sameeyay.

Decorative Lines

Waxaa si wadajir ah u diyaariyay
Abdilqani Albanna iyo Axmed Cabdisamad

Abdilqani Albanna
E-mail: abdilqani@hotmail.com
Axmed C/samad
E-mail: alwaqaar@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Create a website or blog at WordPress.com

Up ↑

%d bloggers like this: