Dumarka La Isla Qabo oo aan Loo Caddaalad Falin

Waxyaalaha llaahay inoogu dardaarmay kitaabkiisa waxaa ka mida in dumarka la isla qabo loo caddaalad falo

Ilaahay wuxuu yiri:

وَلَن تَسْتَطِيعُواْ أَن تَعْدِلُواْ بَيْنَ النِّسَاء وَلَوْ حَرَصْتُمْ فَلاَ تَمِيلُواْ كُلَّ الْمَيْلِ فَتَذَرُوهَا كَالْمُعَلَّقَةِ وَإِن تُصْلِحُواْ وَتَتَّقُواْ فَإِنَّ اللَّهَ كَانَ غَفُورًا رَّحِيمًا

[Surat an-Nisaa, 129]

Cadaaladda la doonayo waa in looga caddaalad falo xaga hoyashada iyo in mid walba xaqeeda la siiyo sida masruufka iyo marasha, ee cadaaladdu maaha muxabada qalbiga, waayo qofku taas awood uma laha. Ragga qaar ayaa haddii uu guursado hal xaas ka badan, mid qura xageeda u leexday kuwii kalena ka taga oo faraha ka qaado oo mid qura badanaaba la seexda ama mid qura wax siiya kuwa kalena aan wax siin, arintaasi waa xaaraan, qofkii sidaas sameeyana maalinta qiyaame wuxuu ku imaanayaa sifada ku soo aroortay xadiiskaan Abu Hureyra ka wariyey Nabiga (scw):

:عن أبي هُرَيْرَةَ عن النبي صلى الله عليه وسلم قال 
(من كانت له امْرَأَتَانِ فَمَالَ إلى إِحْدَاهُمَا جاء يوم الْقِيَامَةِ وَشِقُّهُ مَائِلٌ)


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Create a website or blog at WordPress.com

Up ↑

%d bloggers like this: