cawaaqib xumada  Dadka Hadalka Xun Ee Faafiya Xumaanta Dadka Kale

Hadal xumadu waa wax la liiday oo la diidey lana fogeeyay diinta islaamka, carabku waa seef meesha ay goyso aanu dhakhtarku xitaa dhayi Karin, dadkuna way ku kala dhintaan hadel xumada iyo erayada gefka iyo guracu ka muuqdo.

Baribaa waxa layidhi gabadh baa nin ay jaar ahaayeen ceebaysay oo cid walba ku tiri hebel waa tuug, markii danbe ayey boolisku xidheen markii uu mudo jeelkii ku jirey ayay cadaatey inaanu waxna dhimin waxna xadin oo layskasoo daayey.

Dabadeed gabadhii ayaa maxkamadii looga yeedhay si danbigaa been abuurka ah loogu qaado, waxa ay ku andacootey inaaney waxba u gaysan ninka kaliya ay wax ka sheegtay.

Ninkii qaadiga ahaa oo ruuntii nin  caqli u saaxiib ahaa ayaa ku yidhi orod oo gurigaagi tag dabadeed warqado soo qaad wax kasta oo aad ninkaa ka sheegtayna ku qor dabadeed kidif waxaadna ku tuurtaa laamiyada, sidii ayey yeeshay xiligii balantu ahaydna way soo noqtay si ay ugu sheegto inay fulisay wixii uu faray, qaadigii wuxu ku yidhi hadaba bari waraaqihii soo ururi oo ii keen, gabadhiii intay yaabtay ayey ku tiri Qaadigii oo sideen u keeni karaa dabayshaa midba meel gaysee xataa lagama yaabo inaan xabad kaliya soo helo.

Waxa uu ugu jawaabey hadaba hadalkaagiina waa sidaasoo kale meel walba wuu ka dhacey cidkastana way maqashay, ninkaana sumcadiisii iyo sharaftiisi waadiga xumeeyay oo soo noqosho maleh, halkii ayaa gabadhii loogu xukumay sanad xadhig ah.

waxan kugu boorinayaa inaad iska jirtid faafinta wararka aan sal iyo raad toona lahayn, iyo ceebaynta dadka aanad aqoonta u lahayn, kaad taqaanid xataa xumihiisa waa inaad u asturtaa sidaasina waa sidey diinteena suubani ina farayso.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Create a website or blog at WordPress.com

Up ↑

%d bloggers like this: