Ciyaarta uu islaamka ogolayahay (islamic sports)

Cayaartu si guud way banaantahay hadii aanay kahor imanayn shareecada Islaamka. Islaamkuna wuu dhiirigaliyey in muslimiintu ay awood jidheed iyo mid maskaxeedba ay yeesheen sidaas awgeed ayuu nabigeenu (scw) u dhahay:

قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم : ( الْمُؤْمِنُ الْقَوِىُّ خَيْرٌ وَأَحَبُّ إِلَى اللَّهِ مِنَ الْمُؤْمِنِ الضَّعِيفِ وَفِى كُلٍّ خَيْرٌ..) رواه مسلم ( 2664 ) .

Rasuulkii Ilaahay wuxuu dhahay: “Mu’minka xoogan ayaa ka khayr badan, Ilaahay agtiisana looga jacayl badanyahay Mu’minka daciifka ah, kulligoodna khayr ayaa ku dhex jira..) Muslim:2664

Sidaas awgeed in ruuxa Muslimka ah uu dhiso jidhkiisa waa mid kamid waxyaalaha lagama maarmaanka ah, waxa ku xidhan caafimaadkaaga, sidoo kale nafsad ahaan ayaad u dagaysaa, xaqii jidhkaagu kugu lahaana waad gudaysaa. Hadaba aynu tusaaleyaal kasoo qaadano cayaarahii la dheeli jiray xilligii Rasuulka (scw) ee hadafkeedu ahaa in lagu xoogeeyo jidhka iyo maskaxdaba.

Orodka, baratanka:

Orodka, socodka iyo baratankuba waa cayaaro qadiimiya oo ka qaybqaadanaysa dhisida jidhkaaga, nabiguna (scw) wuu baratami jiray, waanu ordi jiray, wuxuuna nabigu (scw) la baratamay haweenaydiisii Caasha (i.r.h):

Waxay la socotay nabiga mid kamida safaradiisii, ayadoo aan hilib badan lahayn kadibna nabigu saxaabadiisii ayuu ku dhahay: “Hore u socda!” wayna tageen, markaasuu ku dhahay Caasha; kaalay ila baratan, wayna la baratantay waxaana dheeraysay Caasha.

Mudo kadib nabiga iyo Caasha oo safarkale wada socda ayaa  baratamay, kadib markuu nabigu (scw) faray saxaabadiisa inay hore u socdaan, xilligaasna Caasha hilib badan ayaa fuulay, oo way buurnayd, markaasuu nabigu la tartamay kadibna nabiga ayaa dheereeyey wuxuuna dhahay: tan ujaro tii maalintii!!! [Abudawuud: 2578 Ibnu Maajah 1979] Waxa saxiixiyey Albaani [Saxiixa 131]

Kolkaas hadii nabigeenu ordayba oo uu la baratamay haweenaydiisii, waxay kamid tahay baratankaasi sunnadii nabigeena. Sida aynu ognahayna Orodku waa cayaaraha ugu fiican ee isu dheeli tiran kaasoo jidhka xoogeeya, baruurta iyo duxdana hoos u dhiga, sarena u qaada shaqada xubnaha jidhka sida wadnaha iyo sanabadaba.

Fardafuulista:

Fardafuulistu waa mid kamid ah cayaaraha ugu caansan ee muslimiintu ku tabobaranjireen, gaar ahaan caruurtu intay yartaay ayaa la bari jiray fardafuulnimada si ay unoqdaan faarisiin ku dagaalami kara faraska ama ugu safri kara meel dheer. Nabiguna (scw) wuxuu ahaa faaris, xariif ku ah fardafuulnimada, waanu ku baratamay fardafuulnimada sida kusoo aroortay xadiiska saxiixa ah:

عن عبد الله بن عمر رضي الله عنهما : أن رسول الله – صلى الله عليه وسلم – سابق بين الخيل التي أضمرت من الحيفاء ، وأمدها ثنية الوداع ، وبينهما ستة أميال ، وسابق بين الخيل التي لم تضمر من الثنية إلى مسجد بني زريق ، وبينهما ميل . متفق عليه .

Cabdilaahi ibnu Cumar (I.R.H) waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) ku baratamay faraska (la naaxiyey ee hadana la gaajaysiiyo si orodkiisu u dheeraado) ka bilaabay Xayfa kuna tagay SaniyatAlwadaac, labadaas gooboodna waxay isu jiraan lix mayl, waxa kale oo uu ku baratamay fardaha caadiga ah isagoo ka bilaabay Saniyada kun tagay masaajidka banuu Zariiq, waxaana u dhexeeya labada goobood hal mayl. [Bukhaari:420]

Halkaa waxa inooga cad inuu nabigu ku baratami jiray fardaha, si loo xoojiyo dhismaha jidhka iyo waliba si looga raaxeey nafta hawlmaalmeedka faraha badan ee ay ku daashay.

Shiishka:

Nabigu (scw) wuxuu ku booriyey saxaabadiisa inay bartaan shiishka, waxaana laga wariyey nabiga (scw):

سلمة بن الأكوع رضي الله عنه قال مر النبي صلى الله عليه وسلم على نفر منأسلم ينتضلون فقال النبي صلى الله عليه وسلم ارموابني إسماعيل فإن أباكم كان راميا ارموا وأنا مع بني فلان قال فأمسك أحد الفريقين بأيديهم فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم ما لكم لا ترمون قالوا كيف نرمي وأنت معهم قال النبي صلى الله عليه وسلم ارموا فأنا معكم كلكم

“Salma ibnu Al-akwac waxa laga wariyey inuu yidhi: Nabiga (scw) ayaa soo maray koox qabiilka reer bani Aslam ayagoo shiishtamay, markaasuu nabigu (scw) dhahay: “Tuura caruurtii Ismaaciilow, maxaa yeelay aabihiin wuxuu ahaa shiish yaqaan, tuura aniguna reer hebel ayaan la jiraaye”, kadibna labadii kooxood mid kamid ah ayaa laabatay gacmahooda, markaasuu nabigu (scw) yidhi: “Maxaad idinku la tuuri la’dihii shiishka?” Waxay dhaheen: miyaanu tuurnaa adigoo kooxdaas la jira! wuxuu Rasuulku (scw) dhahay: “Tuura, aniguna kulligiin waan idinla jiraaye” [Bukhaari:2743]

Xadiiskana waxaynu ka qaadanaynaa in shiishka ahaa mid kamida cayaaraha nafta loogu raaxeeyo, Islaamkuna baneeyey in lagu tabobarto si jidhka loo dhiso iyo in cadawga layskaga dhiciyo.

Isu soobax:

Isu soobaxo waa in raga baratamaa ay isu soo baxaan ayagoo ku jeeni qaaran hub aan ahayn kii dhabta ahaa, kadibna lagu loolamo dhibcaha cidii badisa ama la fiiriyo ruuxa laga roonaado. Islaamku cayaartana wuu ogolyahay, oo nabigu (scw) wuxuu daawaday isaga iyo haweenaydiisa Caasha meel ay niman xabashi ah ay cayaarayeen hubkooda oo ay ku loolamayeen. [Bukhaari:2901 iyo Muslim 893]

Dabaasha:

Dabaashu waxay kamid cayaaraha faa’idooyinka badan ee Islaamkuna ogolyahay in la baro ubadka soo koraya, si ay jidhkoodana u dhisaan sidoo kalena ay naftooda uga badbaadin karaa qarqoomid iyo wixii lamida. Wuxuu Cumar ibnu Khadaab dhahay:

علموا أبناءكم السباحة والرماية..السيوطي في الجامع الصغير

“Bara ubadkiina dabaasha iyo shiishka.” [Suyuudi, daciifka Albaani]

Musaaracada:

Musaaracadu waa lagdanka oo aan wax dhib ah laysu geysanayn, wayna jirtay xilligii nabiga (scw) waxayna kamid ahayd mid kamida goobaha ragu ku muujiyaan xoogooda, waxaana jira nin magaciisa la dhaho Rukaan oo ahaa ninka ugu haysta lagdanka Carabta oo dhan, kadibna nabiga ayaa ku dhahay hadii aan kula lagdamo oo aan kaa roonaado ma islaamaysaa? ninkii wuxuu yidhi: Haa, way lagdameen waxaana roonaaday Nabiga (scw).

Shuruudaha Cayaaraha Islaamiga ah:

  1. Waa in dadka cayaarayaa ay sitaan dhar asturaya cawradooda, oo aan laysu qaawin xujada ah waan cayaarayaa.
  2. Cayaarta waa inaanay kugu dhaafayn cibaadooyinka iyo waajibaadkaaga shaqo, sida salaada iyo soonka.
  3. Waa in aan laysku dhex darin laba jinsi oo kala duwan, waa in wiilashu ay ku cayaaraan goob u gaar ah, gabadhuna waa inay ku cayaartaa goob haweenka u gaar ah oo aanay joogin rag ajaanib ah.
  4. Cayaarta waa inaan laga dhigin mid lagu helayo lacag xaaraan sida qamaarka, bakhtinasiibka.
  5. Cayaartu waa inaanay keensanayn dhib soo gaadha noolaha kale ha ahaado ruuxa cayaaraya ama cid kale oo daawanayabee.
  6. Cayaarta waa inaanay ka dhalanaynin, kibir, isu faan iyo colaad dhexmarta muslimiinta.
  7. Cayaartu waa inay caafimaadkaaga jidheed iyo ka maskaxeedba ay nafci u leedahay, hadii anaay dheefba kuu lahayn oo ay dhib tahay markaa waa laga dheereenaayaa

 By abdi aziz oogle

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Create a website or blog at WordPress.com

Up ↑

%d bloggers like this: