Sideen isku shukaan sanaa wakhtiga hasawaha si sharciga wafaqsan

Hadalku wuxuu ka mid yahay waxyaalaha qofka bini aadamka ah uu ku cabiro dareenkiisa sidajacayl uu u hayo qof kale . carro. rabitaan. diidmo. sidoo kale waxaa jira in weedhaha loo adeegsanayo marka lala hadlayo hooyo/aabe. walal. Zowjka/zowjada saaxiib ,ay kala duwan yihiin mid walbana leeyahay hab gaar ah.
Habkee ula hadlaysaa markaad la hadlayso wiil aad wada sheekaystaan? Habkeedse ula hadlaysaa markaad la hadlayso gabar aad wada sheekaysataan? Kalmadaha aad adeegsanaysowaa sideee? Habkee u wada hadlaynaa? wax walboo kugu soo dhaca maku oranaysaa uu jecel yahay inaa ku tiraahdo/ay jeceshahay inaa ku tiraahdo?mise waxaa jira weedho aan haboonayn inaad adeegsato? weedhahaa aad isticmaalayso markaad la hadlayso Ninkaaga /Xaaskaaga iyo weedhaha aad adeegsanayso markaa la hadlayso qof kale farqi intee le,eg ayaa u dhexeeya?Erayada macaan erayada soo jiidashada leh erayada dareenka qofka kicinaya iyo erayada caadiga ah ee ay isku oran karaaan dadkoo dhan waa kala duwan yihiin .hadaba Maxaa ugu wacan dhalinyaro badan inay adeegsadaan erayo loogu talagalay dad xalaal isu ah inay isku yirahadaanmarkay wada hadlayaan (shukansanayaan) siiba Netka Soo lagama wanagsana in nin aan kuqabin aad ku tiraahdo GACALIYE ,ABOOWE MACAANE , XABIIBI.QAALI. DAWADII NAFTAYDOOW,MA SEEXDO DARAADAA ADAAN KUGU FEKERAA WAAN KUU XIISAY
sidoo kale aad ku tiraahdo gabar aadan qabin GACALISO ,ABAAYO MACAANTO,XABIIBTI,QAALI,DAWADII NAFTAYDAAY,xalay waxan ku riyooday inagooo!! Inta la soo xafido erayo iyo gabayo yaab leh la is dhaafsado waxay is waydiin karaan dad badan maxa ku jaban? waa wanaag uune,, erayadan isticmaalkooda wax weyn ayay keeni karaaan hadaan laga feejignaan booskooodiina la dhigin, waxa dhacda inaa tiraahdo afkaa iga bartay anoo iri ayaan is arkayaa wax xumaan iyo soo jiidashana kama wado iyo khiyano iyo been toona waa iga daacad qalbigeey ka soo go,eeen !!.qaar kale waxay Xujo ka dhigtaan Waan is jecel nahay,Waa isu doonanahay Waan is rabnaa, waxaaba jira qaar markaa ku tiraahdo erayadaa isticmaaleyso looguma talagalin inaa aniga igu tiraahdo la soo booda waa ku Rabaa oo waan ku danaynayaasoomaha maxaa ka micno ah hadaaan isku niraahno!! Wax walba markii Caadi laga soo qaado waxaa caadi noqda Waxaan caadi ahayn!! Gabdhaha qaaar waxa jira Codkoodu aad u macaan yahay aad u dabacsan yahay markay kalmad yiraahdaan aad loola dhaco ku suuxinayo codkoodu hmmm. Ama ha ugu talagaleen ama yaysan ugu talageline
ha ilaaliyaan gabdhuhu hadlkooda iyo codkoodaba yayna jilcin intii karaankooda ahna ha isku dayaan inaysan u noqon sabab Midka qalbigiisu jiran yahay inay Damac geliyaan. waxaa jirtay gabar codkeedu aad u dabacsanaa aadna u macanaaa markay is tiraahdo dukaan wax ka soo iibso nimanka dukaanka iibiya wada eegaan lana dhacaan codkeeda kuna yirahadaan cod macaanidaa .!!. laakin iyada ujeedadeedu maaha ku soo jiido codkaaga Raggaan ee waaa codAllaah u dhaliyay maalinkii danbe waxan go,aansaday bay tiri inan waxan rabo ku qoro warqad kadibna u dhiibo ninka wax iibinaya anigoon la hadal sidaasna uga soo iibsado waxaan rabay iyagoo i mooda inan dhego la,ahay anoo Fitnayn cidna. si aan uga badbaado inan ka mid noqdo kuwuu yiri Allaah
(Ha jilcnina oo ha dabcinina hadalkiina si uusan idiin damcin midka qalbigiisu jiran yahay) suratu Axzaab 32 waxaa la sii raaciyay aayada inteeda danbe hadal Macruuf ahna ku hadla. adigu ma ogid markaa ninkaan ku leedahay Macaane Gacaliye siduu noqonaayo qalbiigiisu sidoo kale adna ma ogid gabdhaan markaa ku tiraahdo Xabibti siduu noqonaayo qalbigeedu.dadka is shukaansanaya maaha dad isku xalaal ah oo waxay doonaan isku dhihi kara sidoo kale kuwa isku doonnan maaha dad isu xalaal ah.waxaa loo baneeyay waa inay ka hadlaaan wixii dantooda ahiyo inay ka wada hadlaan mustaqbalkooda Waa inuu Caqligu kulmiyaa labada is doonaysa ee guur xalaal ah iska raba ,hadii caqliga meesha laga saaro oo xaalku noqdo waan jeclahay way i jeceshahay lagana gudbo xuduudii loo dhigay wada hadalkooda waxaa dhacaysa wax aanciribtiisa la mahdin . 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

Create a website or blog at WordPress.com

Up ↑

%d bloggers like this: